Heesta Burco - Lyrics
dhulkoo barwaaqa ah
baadkii intuu baxay
balidiyo jidhaamuhu
togu biyo soo rogay
bilicda il qabashadu
naftu baan u noqotee
bildhaan qurux wanaageey
waan kuu busayloo
baryo aragtidaaday
naftu baadi doontee
burcadii wacnaydeey
boholyoobay awgaa
baladkii samaayee
boorama hargaysiyo
xeebtaa barbara ee
boodhari ku aasnaa
bari iyo sanaagiyo
sool baalaheeda
badtanka u ahaydee
lagu wada badhaadhaay
boqolaalkii taariikh
budfhiga u ahaayoow
bashiir lagu barbaarshee
boomaarka baaqdaay
birmagaydada kacay
nafta waxay u bixiyeen
badbaada dalkoodee
bilowgii xoriyada