Heesta Dhambaal - Lyrics
Dharaaruhu wey gurmaan
Wakhtigu wakhtiguu
Wakhtigu uu dhalan rogmaa
2×
Intuu dhinacaag jiro
Dhita iyo subag baad heshaa
Dhita iyo subag baad heshaa
2×
Marbuu kula dheeliyaa
Dhabarka kuu jeediyaa
Dhirbaaxana kugu dhuftaa
Balaayada kaa dhaxdaa
Dhigaa dhigaa
Dhigaabay haysataa
2×
Dhaguhu dhaguhu
Goortay maqleen
Dhabtu anigoo
Anigoo anigoo
Anigo ka naxay
Warkii dhiikada lagaa
2×
Dhagee caashaqa u rarayee
Cidluu dhiilihii ku furaye
Jacaylkaan dhaar u marayee
Ma dhaakuu iga dhex galayee
Dhambaaleebaan u diran
Arimahan dhawrayaa
Dheeraadee alahayoow
Adaan kuu dhiibayaayee
Xalkoodii xalkoodii soo dhawee
2×