Heesta Dhambaal - Lyrics
dharaaruhu way gurmaan
waqtigu wuu dhalan rogmaa
intuu dhinacaaga jiro
dhito iyo subagbaad heshaa
marbuu kula dheeliyaa
dhabarka kuu jeediyaa
dhirbaaxana kugu dhuftaa
balaayada kaa dhaxlaa
dhigaabay haysataa
dhaguhu goortay maqleen
dhabtii anigoo ka naxay
warkii dhiilada lahaa
dhankan caashaqa u rarayee
cidluu dhiilihii ku furayee
jacaylkaan dhaar u marayee
dhadhaabuu iga dhex galayee
dhambaal maan u diran
arimahaan dhawrayaa
dheeraadee ALLAHAYOW
xalkoodii soo dhawee