Heesta Dhaqan - Lyrics
sida dheeman tuba luulka
dhalaalka uga roontahay
dedabtiyo cadceeduna
dayaxa u dhaaftaa
waxa iga dhigan uun
mida qaaya anigana
haweenka dhulkaygiyo
adoo dhinacayga jooge
habeenkiyo dharaarti
dharartiyo habeenkii
baan kugu dhadhabaya
dhaayaha u rooneey
adaan kugu dhadhabayaa
dhinacaaga ila qabo
sida dheeha geeluba
nirgaha ugu dhalalaan
hooyadu dhasheedi
dhabta ugu haysaa
waxaad iga dhigan tahay
igu dheehan aniguye
dhamaanteen rageene
adaa dhoranaaya
habeenkiyo dharaartii
dharartiyo habeenkii
waan kugu dhadhaba
adaan kugu dhadhabayaa
dhinacaaga ila qabo
dhaqan doorsan maaye
waxan dhaar ku maraya
inaan dhaafo dumar kale
adna kugu dhawaade
wada dhalashadeeniyo
dhiigeena is jiita
i dhibaaya anigoo
qalbigayga dhaqaaji
habeenkiyo dharaarti
dharartiyo habeenkii
baan kugu dhadhabaya
dhaayaha u rooneey
adaan kugu dhadhabayaa
dhinacaaga ila qabo
dheehayga quruxdiyo
kuma dhaafinayaayo
dhabtii adaa gayaane
dhaqanka iyo diintana
adaa iila dhinacoo
garanaaya dhalashade
dhanka xidid xigaa nahee
habeenkiyo dharaarti
dharartiyo habeenkii
baan kugu dhadhabaya
dhaayaha u rooneey
adaan kugu dhadhabayaa
dhinacaaga ila qabo