intu guray daruuraha
godol qadiyay hawd
mayiga gudgudahii
geyiga dhan wada gaadh
gofiyo galgalimaba
gibil meel kastoo godan

galac tiri xareedi
durba geedihii baxee
ogow inaan gabashii
sidaa guuyada jecel

ana inaana gabadh kale
gacalayoo ku odhanayn
taana anigaa go'aansaday

gugusha sidaan ahay
dusha kuu gureeya
gabadana waayaha
gawra kaa ilaasha
ama garo ama ha garan
adaan kuu golleeyahay
ama gees ha kaa maro
adigan ku gaasiray

garab daaqa ma aqaan
adna gacanta ila qabo
guur inanan gamashadii
sida guuyada jecel

ana inaana gabadh kale
gacalayoo ku odhanayn
taana anigaa go'aansaday

Exit mobile version