Jacaylkaaga i helay
Naftaydaa jiidatoo
Adigaan ku jeelanoo jeelanoo
Kaltuun kuu jeelanahay

Jacaylkaaga i helay
Naftaydaa jiidatoo
Adigaan kuu jeelanoo jeelanoo
Adigaan kuu jeelanahayee

Adigoon ila jooginbaad
Hadana ila jaar tahoo
Adigoon ila jooginbaad
Hadana ila jaar tahoo
Jeex iga midaa tahee
Jeex iga midaa tahee

Oon wada jirnaa
Jacaylkeenu abid
Rabow yaanu jabin
Oon wada jirnaa
Jacaylkeenu abid
Rabow yaanu jabinee

Adaa joog iyo hanaan
Quruxda jaahaaga wacan
Jaleecada ku farxaa farxaa
Jaleecada kugu farxaayee

Jawharad adaa iiga dhigan
Amase luulka aan la jarin
Jawharad adaa iiga dhigan
Amase luulka aan la jarin
Jawigana xasilayaa
Adi kugu xasilayaa

Oon wada jirnaa
Jacaylkeenu abid
Rabow yaanu jabin
Oon wada jirnaa
Jacaylkeenu abid
Rabow yaanu jabin
Aamiin

Oon wada jirnaa
Jacaylkeenu abid
Rabow yaanu jabin
Oon wada jirnaa
Jacaylkeenu abid
Rabow yaanu jabinee

Exit mobile version