Ladaneey la,aanta
Laasimay ugaadhoo
Ukaalaha la noolee
Kurkaad igu abuurtaa
Igu laba kacaayoo
Ma lado habeenkii

Shimbiryohow dhalaayaa
Ha iga lumin fariintee
Layla waxaad tidhaahdaa

Inaan uma oo galbado
Iyo inaan lamaanano
Inaan uma oo galbado
Iyo inaan lamaanano
Labadaa nin soo sheeg
Labadaa nin soo sheeg

Inkastoo aan laba liqo
Aaladabtu caashaqa
Waanan laasanaynee
Laxawgii jacaylkaa
Lurta iigu wacanoo
Waanan luudayaayee

Shimbiryohow dhalaayaa
Ha iga lumin fariintee
Layla waxaad tidhaahdaa

Inaan uma oo galbado
Iyo inaan lamaanano
Inaan uma oo galbado
Iyo inaan lamaanano
Labadaa nin soo sheeg
Labadaa nin soo sheeg

Exit mobile version