Layla caashaqaagii
Gunta iyo dhibtaadii
Leelee rafaadkii

Ma ladoo habeenkii ma ladoo
Ma ladoo habeenkii ma ladoo
Marka aan ku laacaan
Laamadoodayaayoo
Marka marka ku laacaan
Laamadoodayaayoo
Laqanyaa i qaadee

Inagoo lamaanaa
Ku lifaaqan caashaqa
Inaan laysanaabay
Laabtaydu doontee
Iga daa iga daa iga daa
Iga daa lu,gooyada

Layla doonistaadii
Lahwi iyo galgaladki
Iyo laba kaclayntii

Ma ladoo alaylkii
Marka aan ku loolan
Libin gaadhayaayoo
Marka marka ku loolan
Libin gaadhayaayoo
Qadaadyaa i qabatee

Inagoo lamaanaa
Ku lifaaqan caashaqa
Inaan laysanaabay
Laabtaydu doontee
Iga daa iga daa iga daa
Iga daa lu,gooyada

Exit mobile version