Rafaadka caashaqa
Maxay aramadiisu
Igu reebtay eeliyo
Guutaalo hoosoo
Ani ii qarsoonee

Afka maxaan u diidaa
Inaan ereyadiisiyo
Amaantiisa tiriyoon
Aamusnaanta kaligay
Cidla uba keeno

Ugub maaha kaygani
Ragbuu iilka geeyoo
Ugub maaha kaygani
Ragbuu iilka geeyoo
Aakhiro u hoydoo
Aduunyada ka dhaadhacay

Imtixaanka caashaqa
Maxay urugadiisii
Ililiha wadnaha iyo
Adhaxda iyo beerkoo
U eekaatay halistii

Maxaanan baqadistiisii
Erey go,an ka heesoo
Uumiyaha daraadaa
Inanyahay la dhuuntoo
La il go,ay jacaylkee

Ugub maaha kaygani
Ragbuu iilka geeyoo
Ugub maaha kaygani
Ragbuu iilka geeyoo
Aakhiro u hoydoo
Aduunyada ka dhaadhacay

Exit mobile version