Sidihii nolashaa tahoo
Naftaadu sadkayga weeyaan
Qalbigaa zamsam iyo xareed
Sadriga malab baa utahee
Sindhaanta iyo haybadaada
Sansanka iyo aragtidaada
Sidaad ii xushmaysa sumyaay
Sumayaay anni i deeqdee
Qurux ee waa suuradaada
Xishood sumaddaada weeyoo
Samaa Rabbi kuu abuuraan
Somali baan laga helee
Beejka labaad
Saldhigii Caashaqaa tahoo
Halboolaha seed utahay
Wadnaha xididdada ku suran
Ku suma dhiigaa taheee
Jacaylku salguuri maayo
Wanaagana seerimaayo
Ogow samir iyo dulqaad
Kalgacal baan kuu sidaayee
Qurax ee waa suuradaada
Xishood sumaddaada weeyoo
Samaa Rabbi kuu abuuraan
Somali baan laga helee