Heesta Xeedho - Lyrics
Umad waliba xeeriyo
Dhaqanbay xustaayoo
Umad waliba xeeriyo
Dhaqanbay xustaayoo
Xiligay sameeyaan
Waayo lagu xasuustaa
Xiligay sameeyaan
Waayo lagu xasuustaa
2×
Inaga xalaaliyo
Xili guur markay tahee
Inaga xalaaliyo
Xili guur markay tahee
Laba xiiso isu qabay
Aqal lagu xereeyaa
Laba xiiso isu qabay
Aqal lagu xereeyaa
Hablo xuural cayniyo
Xeedhana timaadaa
Hablo xuural cayniyo
Xeedhana timaadaa
2×
Waa xeedho sharafloo
Xadhig lagu galbinayee
Waa xeedho sharafloo
Xadhig lagu galbinayee
Yaanu xaal ku raacinee
Ku fur xeeladeedii
Yaanu xaal ku raacinee
Ku fur xeeladeedii
2×
Hadii aad xuduudkiyo
Xeebtaba ka gudubtoo
Hadii aad xuduudkiyo
Xeebtaba ka gudubtoo
Xaruntii dalkaagiyo
Xuduntii dadkaagaba
Xaruntii dalkaagiyo
Xuduntii dadkaagaba
2×
Baado kaa xigaanoo
Mudo aad xagaa tagin
Baado kaa xigaanoo
Mudo aad xagaa tagin
Lama xooro dhaqankee
Waa inaad xambaartaa
Lama xooro dhaqankee
Waa inaad xambaartaa
Ana caawa xulashada
Iyadaan u xiiqee
Ana caawa xulashada
Iyadaan u xiiqee
2×
Waa xeedho sharafloo
Xadhig lagu galbinayee
Waa xeedho sharafloo
Xadhig lagu galbinayee
Yaanu xaal ku raacinee
Ku fur xeeladeedii
Yaanu xaal ku raacinee
Ku fur xeeladeedii
2×