kalgacayl ku galayoo
qalbigaaga gubayoo
la guurayso maad arag

guhaadkiisu kumuu helin
gayaankaana kamaad gu'in
gafna lama jideeyee
GUULE waa ILAAH

gacaltooyadaan qabo
gilgilshayoo qaarada
iimana garaabtide
gurmad kaama helin
kuma goyn adigoo
garab iiga baahanin
gacalooy geestayda soo eeg

caashaqaaad i galisiyo
naftu way galgalataa
adigay ku goobtaa

jacaylbaa i gubayoo
inaad ii garawdiyo
gabdhyahay jeclaystee
garawsoo ogow

Exit mobile version