Sidii laylo iyo qays
Soo luudi caashaqa
Adkeeyoo haluminine
Aan libintiisa gaadhnee
X2

Labiskiisa dhowroo
Laabtuun kuhaysoo
Laama doodi kaligiis
Laseexoo lasoo toos
X2

Labadii is jecelee
Lamaanuun ahaadoo
Kala leexan abid kood
Oo liibaana noqonee
X2

Labadii isbarataba
Waa laysku dirayaa
Loo kala waramayaa
La is dhaafinaayaa
X2

Xaasid lalama joogoo
Xantiis lama dhagaystoo
Looma dhool cadeeyee
Waalaga fogaadaa
X2

Labadii is jecelee
Lamaanuun ahaadoo
Kala leexan abid kood
Oo liibaana noqonee
X2

Exit mobile version