VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Libinta - Lyrics

maankiyo lagii laabtiyo qalbiga ladh ku beeranbaa i looyaamayee lurka xiisaha markaan liiqaybu igu loohanoo i ladaabayee waygu laasimee lubiyo shafkuu ku likaysanyee waan ku loogayo adaan kuu lisee ama libinta garo ama laydha raac leegleegsigiyo laafyaha xarago aad leedahaa i laciifayee labeentii kalgacal ana leefayoo ladi waa qofkuu maalin loodshayoo waa igu laasimoo lubiyo shafkuu ku likaysanyee waan ku loogayo adaan kuu lisee ama libinta garo ama laydha raac
Queue is empty
-- / --