Heesta Gedo - Lyrics
ALLOW yaa i buubshoo
Baalal yaa igu xidhoo
Wadankoo barwaaqo ah
Beeluhuna nagi yihiin
Baar dheere yaa taga
Bahdii jacaylkiyo
Yaa u baaqa culimada
Baarcas lagu nikaaxaa
Busuuliyo shabeeliyo
Buurihii garbaahaaray
Buurdhuubo iyo luuq
Iyo baladkii xaawada
Todobaad ku baaqsada
Banaanay dusheediyo
Dolow yaa bariidsadii
Ceelwaaq kula bareegtaa
Beerihii far geele
Mageele yaa bariisadii
Tuulo barwaaqo kula daga
Oo banaankii garilay
Baciidkiyo shabeelkiyo
Baabulaha libaaxiyo
Boorka iyo qalanjadii
Bacaadka isla jiifaan
Bilcin hoos qabaw iyo
Banka ceel cadeeyiyo
Bura iyo ku yaal galool
Barkin luqunta kuu sura
Baashe kuula dhaca dhinac
Barqadii maray tahay
Cirkoo soo burqaday roob
Jidhaamuhu biyoobeen
Faras bohol ku naaxoo
Baabuur ka orod dheer
Kugu geeya buundadii
Iyo baladkii raaxada
Waa bartay ku dhalatee
Dhalinyaro badraanta aheey heelada
Goobile heliya goobile
Walaaleey burka iyo jiibtiiyeey heelada
Goobile heliya goobile
Walaaleey inta la isu soo baxee heelada
Goobile heliya goobile
Huunooy buuruhu daryaamaaneey heelada
Goobile heliya goobile
Walaaleey goobile la bururaayeey heelada
Goobile heliya goobile
Walaaleey hablo wada bureeqa aheey heelada
Goobile heliya goobile
Boqorkiyo dhaclihii xidhaneey heelada
Goobile heliya goobile
Huunooy ay buraanbur tiraneey heelada
Goobile heliya goobile
Walaaleey inta la isu soo baxo heelada
Goobile heliya goobile
Walaaleey goobile la boodaayeey heelada
Goobile heliya goobile