Heesta Hambalyo bashiir ahlaam - Lyrics
ubaxii jacaylkiyo axdi weeyaan oofsamay
ehelkii fankeeniyo waa ubad abwaan dhalay
axlaam iyo bashiir
aroos taaba qaaday iyo waa laba is aaminay
iska eegtay dunidoo sida ul iyo diir isku duuban
abidkood
awlaad rabow sii waalidkood adeecoo
ixtiraama waligood diintuna u tahay tiir
ifka laba is doortiyo iska helay asaagoo
arinkay wadaageen abshir waxa u soo baxay
aqal inay dhistaan wacan
amba qaaday taladoo la taag udubkii reerke
labada is tix galisee asluub wacan ku dhaqantiyo
noqda aayatiin wacan