Heesta Siraad - Lyrics
Siraadkii nuurayee aduunka
La saaray iyo sawirka qoraxda u'egee
sideed iyo toban jirkii samaha lagu koriyayee
Soomaalaa ka dhalatayee...2X
Marnaba kama saari karo
Suntii caanshaqa wadnahan
Halbowlahan seyrayee...2X
Nafteey daa kugu sidkane sidkanee
Hablaha ilama aad sinidee
Sagalka waagoo baryaa...2X
Allow ayaa dooni sima
Sabi iyo lagu wado shiraac
Suxuunta wareegta ee
Dunida lagu sahmiyo
Sanaaciga lagu rakibay
Dusheda ku saaro oo
Qurbaha subax kaga wada
Heleey hobalayow
Adoo salafkiyo hidihi
Sumadi ka muuqatoo
Laguu suray heesihii
Dalkeeno saxarki baxay
Nabadii so noqotayoo
Dhirtana ubax saran yahay
Dalkii somali weyn nugaal
Sacab kaaga tuma
Adoo silic iyo dhib arag
Miraha sool kaga gura
Dalkii somali weyn
Dhamaan sacab kaaga tuma...1X
(((BOGGA LABAAD)))
Suradii la amaanayee
Quruxda lo sandiyoo
Sinjigii geeska Africa
Hooy Safiyo marwo walidkeed
Sinteeda ku qaaday oo san
Saanka la dawadaa...2X
Marnaba lama seegi karo
Sulekhaay aragtidaa
Indhaha so jeedayee...2X
Dokheygaa kula socdee socdee
Sirtan kugu aminaad sak saak
Ka ilaalisee....2X
Allow ayaa dooni sima
Sabi iyo lagu wado shiraac
Suxuunta wareegta ee
Dunida lagu sahmiyo
Sanaaciga lagu rakibay
Dusheda ku saaro oo
Qurbaha subax kaga wada
Heleey hobalayow
Adoo salafkiyo hidihi
Sumadi ka muuqatoo
Laguu suray heesihii
Dalkeeno saxarki baxay
Nabadii so noqotayoo
Dhirtana ubax saran yahay
Dalkii somali weyn nugaal
Sacab kaaga tuma
Adoo silic iyo dhib arag
Miraha sool kaga gura
Dalkii somali weyn
Dhamaan sacab kaaga tuma....1X
Lyric by Dayran omar