Umadaha midoobee
Aduunyada horu maray
Asaageen aan gaadhnee
Soomaalaay is aamina

Si aayaha horumarkiyo
Amaankiyo nabad galyadu
Dhulkeena u iftiimiyaan

U jeedada murtidu waa
Eray dardaaranee
Hadaan nahay anagu
Indheer garad aqoonyahan
Waar waa naga ogaysiise
Somaalaay is aamina

Ka ilbaxa qabiilkoo
Aalado casriya iyo
Cilmi lagu adeegtaa
Aduunyada la gaadhee

Awoodiyo wax qabadkuna
Waa anagoo is raacnoo
Anba qaadna hawshee

Exit mobile version