Heesta South africa - Lyrics
soomaliyeey toos
sodon sano ha jiifine
ninkii seexdaybuu
sicii dibi dhalayaa
ninkiii seexdaybaa
sakiin lagu qalaayaa
soocitaanka midabkiyo
sumadii gumaystaha
waataan ka salalnee
oo soomaalibaa tidhi
safar laguma tagi karo
ilaa ay sinaadaan
sidan kaama filanayn
southka africaadow
kala soconay isa seegnay
soohdinbaa inoo taal
subaxii yimaadana
soomaali dhalatoo
suurkiiba gadoomaa
bal maxaan sugaynaa
nin walaalkii silic baday
cadaw seegi maayee
socotada dagayneey
sixraneey is daba qabo
sinji la isku caayiyo
qabiil la isu soocaa
sadqanbaan u leenahay
oo soomaaliban nahay
kana suuli maynoo
ilayn way isla saxanee
sidaa waan filaynee
sokeeyiyo walaalba
saara calankoo
sida dhamaan deeq
sara kacoo is aamina
aynu samada aadnoo
aan sideenii noqonee