shakhsi eebe quruxdiyo
shanciga iyo wanaagiyo
sharaf hibo u siiyoo
ka shiisada ayaa tahay

shabadii xalaasha
shucaac ii baxaayaay
ma isla shuurna kaligen

naftan bila shuruud
shisha kuu jeclaata
shifaday sidaaye
ha sharaysan caashaqa

anoon kula sheekaysan
sheedad iga deeqde
jacaylbaa i shakaalo
shabaha ya kii qay

shibadoona iga odhan
igu shareerin hawshe
ma isla shuurna kaligen

Exit mobile version