VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sida faras cover - Lyrics

Sida faras bullaaloo Aan xaaluf arago Nugaal xays ka daaqo Baruur dhabarku xoodmoo Ama xalin fadhiyayoo La xanaanin jirayoo Xudunta iyo feedhaha Farawgu uu xardhoo Oo xuub dhacsadayoo Syantu dhulka xaabtoo Oo aan xajiiniyo weli Mudan xasiiqo Oo xariirta shaakiyo Xakamihii lasudhayoo Roorayoo xabaadhoo Xog ogaale fuuloo Oo xufta boodaa Xawaaraha layaboo Oon orodka xiiqayn Qaarbaa xardhaamee Marka aan xagaagiyo Xubnahaaga eegiyo Adkaatay? Sida xiito geelo Xilligi gu,gii Inta ay xergeeyaan Xodayo ay ka foofsheen Ama wiilal xoog lihi Inta ay xabaadhen Xidhadhkii hogoogane Xeryo uuga oodeen Ama ay xayaabliyo Banannada xal xaliseed Keyn labaale xaadheen Nirguhu ugu xidhanyihiin Oo xamaaska dooguna Xagashaada gaadhoo Roobna uu xuluulshoo Wadhantahay xareedii Oo ay xagtiisiyo Xigtiisaba taaloo Ay weelka xoorkiyo Xaanunuhu xarfanayan Marka aan xagaagiyo Xubnahaaga eegiyo
Queue is empty
-- / --