Indhool da,ay la moodyeey
Waan kugu dhadhabayaayee
Indhool da,ay la moodyeey
Waan kugu dhadhabayaayee

Dharaartaynu kulanaa
Dhulku ila wareegee
Dharaartaynu kulanaa
Dhulku ila wareegee

Dhimasho iyo nolol
Baan wali kala dhex joognaa
Dhimasho iyo nolol
Baan wali kala dhex joognaa

Dhankii aad i marisaba
Kuu dhiibay
Kuu dhiibay taladee
Dhankii aad i marisaba
Kuu dhiibay
Kuu dhiibay taladee

Adna ha igu dheerayn
Adna ha igu dheerayn
Dhibaatada na hayso
Ha ii soo dhaweyne
Anoon dhamayno xaajada

Indhal wadaad la moodyeey
Indhahaa ku dhaygagay
Indhal wadaad la moodyeey
Indhahaa ku dhaygagay

Dhabanada hilaaciyo
Dhabanka qosolkaagii
Dhaqaaq joogsigaygaa
Dhalaan kuu hiilayaaba
Dhaqaaq joogsigaygaa
Dhalaan kuu hiilayaaba

Yuu ku dhaafin hadalkuye
Ii dhagaa ii dhagaa nugloow
Yuu ku dhaafin hadalkuye
Ii dhagaa ii dhagaa nugloow

Adna ha igu dheerayn
Adna ha igu dheerayn
Dhibaatada na hayso
Ha ii soo dhaweyne
Anoon dhamayno xaajada

Exit mobile version