Aboo ii dilaacay cishqigu
Aarmuu diyaal jacayl
Naftayda dugashadaa
Anigu

Haduu cilmi dooto dhigay
Aarmuu ana igu daraa
Qabriga ii daadahshayoo
Diiwaanka diiwaanka
Armaan galaa niyow

Dawooy
Dawooy anigoo ku jecel
Jirkayguna kuu damqado
Armaad iga doorsataayood
Cishqiga igu dayrisaayood
Dalxiistaa meel aad fali adigu

Danteena adaa hayee
Taladan kuu daynayaa anigu
Adoo ii diir naxaaya
Qalbigad raxmad iiga tahoo

Armuu duq igu noqdaa
Nimaan doori iga mudnayn
Armay dantu caawisaa isagee

Haduu caashaqu idilo
Armaad ana daaradaa
Docdaadaa ka yeelatyoo
Dariiqii dariiqii
Wada martaa adigu

Dawooy dawooy
Anigoo ku jecel
Naftuna kuu daalan tahay
Armaad axdi doorisaayood
Cidlada igu dayrisayood
Daxiistaa meel aad fali adigu

Danteena adaa hayee
Taladan kuu daynayaa anigu
Adoo ii diir naxaaya
Qalbigad raxmad iiga tahoo

Exit mobile version