Jacayl baan kuu qabaayee
Indhahu jeehaaga wacaniyo
Jaleecada kaama jeesan
Jar iyo buur ma hubsanaayoo
uurkuu Kalgacayl ii jiifaa

Ku jantayee ijama oo
Ijamo ee aan jacayl wadaagnee

Sidii ubaxii janaadee
jawharadii iftiinkee
Aduunyada ugu jeclaa
Jeenaankii waan quudan waayee
Jawaab baan kaa sugaayee

Ku jantayee ijama oo
Ijamo ee aan jacayl wadaagnee

Exit mobile version