adna beerkiyo laabta iga eeg barbarkaa
bukaankaaga jacaylkan iga baabi'i waayay
lagu beeray jidhkaygee kuna sii badanaya
baryahaaba naftayda badhuunbaa ka dhacaaya
anaa busiyo oon dhul boodhiyo biyo la'aan
ka baaqayoo jacayl igu balaadhee
adaa arag bildhaana u baahan
barwaqada iga burso ma baaqsadee hoy
bari samaad abaarna wuu ku soo baxaa

anoo basiirada basaas indhoo ila bukaan
bilo qudhood i booqataan ku bogsan lahaa
adaa arag bildhaan u baahan
abaalna waa la baxsadaa

haday runiyo been labadu ay borotamaan
bixitimaan socodka way kala badshaan
adaa arag bildhaana u baahan
bidix gacmed midigta way u baahantee
ma bidsanee hoy xaq iyo baadil iyagna way kala baxaan

Exit mobile version