Heesta Dood - Lyrics
adoon diidaneen nabad
iyo daawo iyo sharaf
dibad yaalna aa tahay
oon duunyo badan leheen
qof haduu ku soodayo
oo diiqo kaa raba
deeq iyo mid deen ah
maxaa lagula daahaa
doodiyo alaylehe dabuub taad
ileedahay waa hadal da'weenoo anigaba ideeqee
adoo maal leheen dihin
qof haduu kusoo dayo
dowgiyo dadnimadiyo
danaha uga sheekeen
reer aad wada dageyseen
ama daris ahaydeen
ooydaan dad iyo maal wax ukala dan been jirin
hadii dira diraaliyo dab
dhex diina soogalo
wax diin iyo dul qaadnimo iyamaad ku day day
inta aad duleed kiyo
kambalka isu daaq daan
ee duug wadaag tihiin
waa laga dan beeyaa
haduu dool nasoo galo
isku kaaya dirayaa
diintiyo sidii dana
waan ku daali lahaa nabad
waan kuu dul marayee
dabuub taad ileedahay
haduu hadalku kaa dagay
ii dabac sanow oo
dugsigaan jeclaayow
dibada iga soo hooy
diidmiyo wax ii daran
yaan kaa dareemin
inkastoo da' daadaba dumar
kuugu jecelahay deer baa dhexdeena ah aanan dumin kareenine
waayuhu nimuu dabar ku dakaamiyaan ehee
anaa dagalka seexdee
xageed ila dagaysaa