VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kulan - Lyrics

Gu'barwaaqadiisaa Iyo go'boda jiilaal Midba goonidiisay Guni oogu fooftaaa X2 Waanay gudbooniye Guul ii abuurtee ila Garo jacaylkaan cidla Kula go'doomay x2 Iigar gaar dhibtaadii Igu gooni yowdoo Gaar ii ahaatoo naftu Ga'ma ladiidee x2 Guga aad tilmaantay Gabi giiba dhaaftoo Gardariyo ilaaq baad Ila soo galaysaa x2 Garashiyo aqoontana Ruux iyo garaadkii Yuu gar ugu taamaa Talo uu gudoonshaa X2 Maan garan jacaylka Aad ga'ma ladiidee Soo gaba gabeeyoo Ii sheeg go'aan kaa X2 Waa galin aduunyoo Laga garab caraabee Noloshaabay geeri Garab keeda taalaa X2 Guduudan habeenkii Dhaxantiyo gowraha Ka gabodsan waayaa Gego ciirsi moodaa X2 Nabsi lama guntada Oo layskumana goyee Gabadh yahay ogow Oo ha igooniyaynin X2 Hadal keena googaa Cigale hagalininee Naftu gooni diidaa Howl kama samaate X2 Xaalkaad garwaaqsi Iyo gorow ka wayday Gudhan kaa ahaadaa Lama sii gujeeyee X2 Nabsigaad guntaysay Guud kayga saartay Goortii udaaayoo Maysan gaarin x2 Taageero gacaleed Waa la isu geestaaa Gubashada naftaydan Uu galay jacaylku x2 Kaa gaabsan waydaa Kuu gabi dhaclaysaa Waaloo garaabaa Godka laguma tuure X2 Hamaday guurbaan Gabadh yahay ujeeda Adna iga gudoomoo Ha i gooniyaynin x2 Adoon gabina fuulin Garbana isku qaadin Xaajadan go'aan ka ah Iga garowsan waydid X2 Waxa geed garaacaa Ninka gudin u haystee Gabadh wiilka doonaa Guriguu ka dhisaaa X2 Guurkana asaagay Waan ula gud boonee Ana goonidaydaa tala Goosan maayee x2
Queue is empty
-- / --