VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Lahasho - Lyrics

Lugtii adhaxda waydaa Laxaad uma dhaqaaqdee Halbawlaha wadna lula Adna waad ku ladhantee Aniguna la'aantaa Inaan lado ha eegine Alayliyo alaylehe i lumisee Waxay libintu taalaa Lamaanaha dhexdeene Liibaan waxa hela Labada is gargaaree Ana lumay jacaylkaad Ladan igu abuurtee Raga laguma liidsado Lacagiyo aduunyee Barituu ku loolaa Maantuu la liicaa Lalabaa hayaankaa Dib u laaban maayee
Queue is empty
-- / --