Heesta Laxaw - Lyrics
luqantaada dheeriyo
midabkaaga luulka ah
laxaadkaaga quruxda leh
ayaa lulay bogayguye
laqanyada daraadaa
hadii laabta hoosiyo
maankayga lagu laray
adna igu lamaantay
waa inaan lur iyo farax
u ahaano labadii
ayagoo lilaahiya
wada lada aduunkoo
samir nolosha laasima
laxawgii kalgacalkaa
laamaha bawlaha
iyo dhiiga laboyabo
ku lingaxan hankayguye
leegleegsigaagaa
lahashada igu beeray
mar hadii ludiyo jeer
aawadaa u liitaa