xareed lagu oon bixiyo
xariiriyo nuur ifaay
muxuu xaasidkeen jeclaa
inaan kala xuuranoo
waliba xagal daac na baray

xiskiyo laabtiyo wadnuhu
maxay xiligii kastaba
xasuusuun weheshadaan

hadaan la i dhigin xabaal
ama talo XAAKIM iman
xero iyo waynu gali aroos
waliba xiiso loo macaan

xurmooy mar kastaba ogow
xidhiidhkaan wada dhisniyo
inu xubi igu batoo
xanuun igu beeray culus
xaqiiqdii dhawr saniyo

anoon xili dheer ku arag
maxaan wacadkii xifdiyay
hablaha idil kaa xigsaday

Exit mobile version