Heesta Yasmin - Lyrics
yaasmiinay aduunyadan
inta aan dul joogiyo
noloshayda idilkeed
ka sokow ILAAHAY
adigaan ku aaminay
ayaamaha kalgacalkee
dadku ay astaysteen
intaan ubaxa caashaqa
aan aayar soo guro
ayaan adi agtaadiyo
aqal kaaga dhigayaa
arimaha dhexdeeniyo
axdigana adkeeyoo
inaan adiga ku jecelahay
waligaa ogsoonow
yasmiinay aduunyadan
inta inan dul joogtee
ifka saaran gabigood
kaa doortay adigoo
nafta ku ogolaatee
axadaan is baraniyo
ogow aqal galkeenee
goortay ahaataba
adaan kula dabaal dagi
oon ooridaydaay
ubax kugu dulshubayaa