Heesta Qiil - Lyrics
hadii qiil kuu boxoo quruumuhu kula hadlaan
waxay qoladii ku tidhi adigoon aniga iga qarin
qisiyo yaab baad dhigtee ana aan galayaa qabriga
mudaan qayb qayb u xiray qodob qodob u dhigay
walina qiil umaanan helin hadaad qabar maarfish tahay
jacaylkaagii qabsaoo qubkiyo hadalka iga daa
qaboonaha labada galin cadceedu qabawga tahay
haday qiiq kuu shideen qudhaydaa ka maarantee
miyaan qanciyaa naftii mudada kuu qoofalnayd
miyaa quud allahay talahay talada lagu qaydhsada
wuxuu kuu qorin illaah miyaa loo qayliyaa
qudhaada ruuxii ku neceb dagaal ma ku qaadabaa
cajuusadan kuu qarsoon tusbaxana ku qaraabataa
haday tidhi qoorta diid anigu wuxu qoray illaah
qudheedaan aaminaa
waxaa awliyo qarsoon dadkuna ay wada qireen
naftaada u quudh intaa qudhaydaan aaminsanee