Maalin qaaliyoo
qurux loo bogiyo
qiimayn lahoo
xadiis qeexay iyo

Waa ciid qabow
farxad qaadashada
muuslin qaabiloo
isla wada qireen
qaban qaabadeed
qosol iyo wanaag
aan ku qaadanee
dhaha yaa ciidal qali
qaali calaynaa

bayd two
Maalin qaaliyoo
quluub saafiyiyo
niyad qadaflahayn
laysku qaatay iyo

waa ciid qaali
qasdi uu mid yahay
loo qushuucayoo
muslin wada qireen

Qaban qaabadeed
qosol iyo wanaag
aan ku qaadanee
dhaha yaa ciidal qali
qaali calaynaa

Exit mobile version