Khayraadka daboolan
Baddeena ku duugan
Damaaciga keenya
Duulaan la hagaayo
Hadaan laga diidin
Dalkaan lama jogin
Daan-daansi Mareykan
Danaha reer galbeedka
Dowlado la kireysto
Cadaawaha doobin
Hadaan laga diidin
Dalkan lama joogin
Kooraha
Kuwaa duminaaya
Dalkay ku dhasheen
Damiirku kaguuray
Dubeey iyo dooxa
Diinaarka ka qaata
Hadaan laga diidin
Dalkaan lama joogin
Deriska is ugaarsan
Dagaal lugu hoobtay
Dulmiga afrikaanka
ayaan ka digaayaye
Udiir naxayoo kadaya laha
ma dagalami wayin
Ninkii dalka hooyo
Dibin daabyo ugaysta
Diiwaankuna sheegay
Daliil u arkayno
Dilweeye xukunkiise
Waa in aan dal dal
Erayada Colaad Maxamuud Nuurqayd
Musgii Xuska Xaaji
Laxankii Xuseen Shire Ciyaar Jacel
Codkii Abdulqadir AJ Iyo
Xuseen Shire