Heesta Dugsi - Lyrics
Dhaayaha urooneey jacayl weli makugu dhacay intuu dhiigga kaa jaqay dhamac kulul makugu shiday dhuunigiina makaa jaray
Axdi wiil dhiggaada weli ma isla dhigateen dhawr dhexe habeenkii masoo dheel hallowdeen naftu keey ku dheereed dhakhso ma ugu timidoo illaa dhoolkii waaberi dugsi ma iska dhigateen
Mise wali dhallaaniyo waxaad thy dhaqaaq barad ladhooldhoolinaayoo adduunyada ka dhaga xiran
Dhisma qurux wanaageey sidaa dhayda caanaha dhabanada mallaacdoo madhadhamisay caashaqa madhex degay halbowlaha
Dharaartii kuleeylaha madhex muuqtey kaligaa dhulka oo qaboobaa habeenkii madhididaa naftu keey kudheereeyd dhakhso ma ugu timidoo illaa dhoolka waaberi dugsi meey iska dhigateen
Mise wali dhallaaniyo waxaad thy dhaqaaq barad ladhooldhoolinaayoo adduunyada ka dhaga xiran