Cirkoo da,ayoo hadana da,ayoo
Daruuruuhuu soo hilaaceen
Xareedii lagu dabaashee
Sidiisiibaad i gaday
Sidiisiibaad i gaday
Sidiisiibaad i gaday
Sidiisiibaad i gaday

Timaha dadan ee
Labada garab iyo
Damaashaad
Socodka qaarkii
Ayuunbaa ila durkaayoo
Xasuusuhu i dileen
Ayuunbaa ila durkaayoo
Xasuusuhu i dileen

Dawooy waan kugu kaa
Dawooy waan kugu kaa
Dubaaqayga ku jeceloo
Dareenkaa kula shaqeeyee
Dareenkaa kula shaqeeyee
Dugsiiyaay ma nabadbaa
Dugsiiyaay ma nabadbaa
Dugsiiyaay ma nabadbaa
Dugsiiyaay nabad miyaa

Kalgacal dihinoo hadana dihin
Sidii dalo wada irmaanoo
Marnaba aan digigixaynbaa
Dushayda kariimayee
Dushayda kariimayee
Dushayda kariimayee
Dushayda kariimayee

Danayso markaan idhaahdo
Dariiqaa iga lumaayoo
Dahabo wey ila badaayoo
Xagaa kuu il duwaa
Dahabo wey ila badaayoo
Xagaa kuu il duwaa

Dawooy waan kugu kaa
Dawooy waan kugu kaa
Dubaaqayga ku jeceloo
Dareenkaa kula shaqeeyee
Dubaaqayga ku jeceloo
Dareenkaa kula shaqeeyee
Dugsiiyaay ma nabadbaa
Dugsiiyaay ma nabadbaa
Dugsiiyaay ma nabadbaa
Dugsiiyaay nabad miyaa

Exit mobile version