Gacantaa Adigaa isku gowracayee
God Abeeso adaa gashayood ku go’dee.

Nin gabiib ahoo gu’ roob helinee
Geed Miroo laheeyn adigaa guratee
Maxaan kuu galaa wax ma iiga garee
Godobtaas adigaa isku geysayee

Geniyeey Godobti aad sameysayaa
Gadaal ka Garataayee
Gacal walaal adigaa iska goysayee

Gacalkaa iyo guudkaa lama gaar maree
Sidaan u guuray waad ii goysayee

Garasho iyo hadaad galad dheer aheyd
Abaalkii galay waad ii gudi laheyd
Maxaan kuu galaa Wax ma iiga garee
Godobtaas adigaa isu geysayee

Geniyeey garti aad sameysayaa
Gadaal ka Garataayee
Gacal walaal adigaa iska goysayee

Exit mobile version