kownkan aynu joogniyo
ifka inta ku nool dumar
kuligood haween
midii iga kaafisaay
kalsooneey kaltuuneey
koolkoolin mooyee
kun sano hadaan jiro
kaa ooli maayee
kalgacayl kal iyo
korintiisa caashaqa
kobcinoo adkaynee
keef yaa kaltuuneey
sacabaa kalkii galay

sida kaaha waberi
mahiigan ku kawsaday
kaymahoo doogiyo
ugbaadkii kasoo baxay
udgoonkooda yaabtaa
karkarsami iiga dhigantee
kufkaa hablaha kacay
adigaa ugu koreeyee
kalgacayl kal iyo
korintiisa caashaqa
kobcinoo adkaynee
keef yaa kaltuuneey
sacabaa kalkii galay

Exit mobile version