hida raaxarooriyo waxaad tahay ayaan dhalad
mid asxaanta khayrkiyo farxad lagu manaystoo
uur dabacsanbaad tahay
mid amaanta duxadiyo samo lagu anqariyoo
lagu iilan baad tahay
garasho iyo aqooniyo asal dhalad gobaad tahay
kaltuun ubaxeey anbaqaadka guurkiyo
iluhuu ka foofiyo udugiisiibaad tahy
axdigaad daryeeshiyo wacadkaad adkaysayba
ajar aan dhamaaniyo abaal aad ku leedohoo
eebe kaaga qorayaa
anshaxiyo wanaagaad isirkaa ka dhaxashoo
aqal dhaqan yaqanaa abtirsiin ku leedohoo

Exit mobile version