VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Laab dooxaantaad mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdulqadir Aj
Laab dooxaantaad

"qof bad wayn la dagtoo dabaalna aan garanayn
daadihinbay u bugtaaye inan ragow dar allee
waan ku daawanlaa

dadku inuu is bartaa dookh jacayl ka horaysee
nin dariiq maraaya ina la soo daf idhaa
dadow waa iga su'aale dar alle ma saxbaa

qofka dookhu ku raacshee jacaylkiisa dartii
cuntadiina dajin waaya kuuna diir naxaynin
dad waynoow waa iga su'aale dar allee ma saxba

ruux hada waa ruux waali dayoobee
qoraxdoo duhurjoogta habeen dam ah moodee
dadow waa iga su'aale dar alle ma saxbaa"

raga doorkii aan ka dugsanayow
naftu daa'in abid daynayninow

raga doorkii aan ka dugsanayow
naftu daa'in abid daynayninow

waxaan doonayaa inaan dadab galnee
daaqadaha rajada ha daboolino

waxaan doonayaa inaan dadab galnee
daaqadaha rajada ha daboolino

laab dooxantoo dawadeeda tahay
dayro ha ka dhigin
laab dooxantoo dawadeeda tahay
dayro ha ka dhigin

dabna ha igu shidin ee ila dadaal
dabna ha igu shidin ee ila dadaal

laab dooxantoo dawadeeda tahay
dayro ha ka dhigin
laab dooxantoo dawadeeda tahay
dayro ha ka dhigin

dabna ha igu shidin ee ila dadaal
dabna ha igu shidin ee ila dadaal

ceel dayn ahoo dawlis kaa raba iyo
dabar lagu cabiyo dooq haysinkii

ceel dayn ahoo dawlis kaa raba iyo
dabar lagu cabiyo dooq haysinkii

waa hadal da' wayn tusaaliyo digniin
aayaha danbana darsi kaaga dhigan

waa hadal da' wayn tusaaliyo digniin
aayaha danbana darsi kaaga dhigan

ee dib isu qabo hana daalinoo
hadal yuu ku dilin
niyad kaa dadbana kuma diir naxdee
niyad kaa dadbana kuma diir naxdee

ee dib isu qabo hana daalinoo
hadal yuu ku dilin
niyad kaa dadbana kuma diir naxdee
niyad kaa dadbana kuma diir naxdee

dareenkaygiibaad duwatoo adaan
dadka kaa xushee naftan aan doc kale
dareenkaygiibaad duwatoo adaan
dadka kaa xushee naftan aan doc kale

dabaysheedu marin ee kuu ila daran
usoo diir naxoo dawadeeda garo
dabaysheedu marin ee kuu ila daran
usoo diir naxoo dawadeeda garo

laab dooxantoo dawadeeda tahay
dayro ha ka dhigin
laab dooxantoo dawadeeda tahay
dayro ha ka dhigin
dabna ha igu shidin ee ila dadaal
dabna ha igu shidin ee ila dadaal

laab dooxantoo dawadeeda tahay
dayro ha ka dhigin
laab dooxantoo dawadeeda tahay
dayro ha ka dhigin
dabna ha igu shidin ee ila dadaal
dabna ha igu shidin ee ila dadaal

dadka lama qasboo raga laguma dayo
wuxuu diidayee damac dheeridaa
dadka lama qasboo raga laguma dayo
wuxuu diidayee damac dheeridaa

waa dardaaranoo danbay kuu tahee
xishoodkii ha dayacin dumar uu lahaa

ee dib isu qabo hana daalinoo
hadal yuu ku dilin
ee dib isu qabo hana daalinoo
hadal yuu ku dilin
niyad kaa dadbana kuma diir naxdee
niyad kaa dadbana kuma diir naxdee

codkii Abdulqadir Aj