Heesta Ma bilnaa calankeenu - Lyrics
Dadku waa bestoodoo
Dhibtu weyku badataye
Sidii looga bixin lahaa
Badbaadeey rabaan
Barakicinta maatiyo
Balaayo meyska deyna
Nabad maysku baaqna
Balan meel ma dhigana
Sharafteeni baaba'diyo
Qaran keeni burburay
Dhisme maku bilownaa
Mabilnaa calankeena mabilnaa
Mabilnaa calankeena mabilnaa
Badaa khayr ka buuxaa
Bari geynu leenahaa
Macdan iyo badrool an
Marna laga baneyn karin
Inan barino aadane
Nama badin Ilaahay
Ma baraarugnaa oo
Bulshooy maysu talina
Sharafteeni baaba'diyo
Qaran keeni burburay
Dhisme maku bilownaa
Ma bilnaa calankeenu mabilnaa