maanta waa maalin wanaagsane
maankaygu shaqaynayee
muuqiyo midabkaaga
inagaa mirqaanyee
waan mabsuuday
lagaa mirqaanye
waan mabsuuday
heehe waan mabsuuday
haaha waan mabsuuday
waan mabsuuday

maalintaan ku arki waayana
magaaladu way madawdahee
muuqiyo midabkaaga
inagaa mirqaanye
waan mabsuuday
heehe waan mabsuuday
haaha waan mabsuuday
waan mabsuuday

midhahaa janada ku yaaliyo
madheedh baxay la moodyeey
muuqiyo midabkaaga
inagaa mirqaanye
waan mabsuuday
heehe waan mabsuuday
haaha waan mabsuuday
waan mabsuuday

Exit mobile version