VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nayruuska - Lyrics

Nasteexadii kalgacalkeen Naawilaayay baa tahoo Neyruuska caasahaqa Nafta kuu tilmaamee 2× Abduu nugul haraad qabo Abduu nugul haraad qabo Qiimihiisa muuqiyo Ma xasuusta neeftee Qiimihiisa muuqiyo Ma xasuusta neeftee Ana mudka beerkiyo Intuu nabarku igu yaal Miyaan nuuxsan karayaa 2× Naruuradii jacaylkee Nafta doojisaa tahoo Neecawda caashaqa Niyadayda galisee 2× Nasrigii i deeqaay Nasrigii i deeqaay Halistaad ka nabatoo Nabdigaa ku tabayee Halistaad ka nabatoo Nabdigaa ku tabayee Ana mudka beerkiyo Intuu nabarku igu yaal Miyaan nuuxsan karayaa 2×
Queue is empty
-- / --