fayskaagiyo markaan dayo
furfuraanta walac leh
farxad galiyay uunkaba
fiid cawl iisoo mudh yidho
fad arooryo soo kacay
falaadhaha cadceedana
farba meel dhigeenoo
fasal qurux badan keenoo
faadumooy ii dhigan tahay
wiil fiiro dheeroo
fahano wax garadooo
fiicanoo ku hanan kara
faxanaha illaahay
faraqaaga hakuu sudho
noloshana ka faa,id

fayskaagiyyo markaan dayo
fayoobida garaadkiyo
furfrunaanta sheekada
mukuriyo ka fara madhan
faanffaanka bogta
ubax soo fodkiyiyo
camal fooga roobaad
ayaan haniyeey filkaagii
dheerahay facaagii
wiil fiiro dheeroo
fahano wax garadooo
fiicanoo ku hanan kara
faxanaha illaahay
faraqaaga hakuu sudho
noloshana ka faa,id

Exit mobile version