Sanku neeflahoo idil
Hanka naawilaayee
Wiibeeyay nolashaa

Sidaa tahay naf iyo doog
Nimcoy aragtidaada
Neecawda uduga leh
Ku qastaa ku qastaa
Had iyo jeer

Niyadayda oo idil
Adigay naruuriyoo
U tahay nasteexabaa
Niyad sami adaa
Niyad sami adaan
Wanaag kuu nanabayaa

Xuural ceyntii koonkaay
Nacab iyo iblays iyo
Waxa jira namiimiyoo

Labadii nasteexiyo
Nabad ku wada nooloo
Jacayl nabar cadaawiyo
Inay kala inay kala nageeyaan

Niyadayda oo idil
Adigay naruuriyoo
U tahay nasteexabaa
Niyad sami adaa
Niyad sami adaan
Wanaag kuu nanabayaa

Exit mobile version