qardajeexa socodkiyoo
qalqalooca geeddiga
inaad qarisay mooddee
waan ogahay qiyaanada

anna quruxda caashaqa
ku qotama ujeeddada
haddaad qaybi leedahay

ood qiimahaygiyoo
quursanayso sheekada
xaajadii qalibantoo
qalinkeey urogantaa

anna kaa qatooboo
qaybniyo buseelbaa
wada qaadan waayee

qayayaabay aniguyee
jacaylkaagu qaahira
ma qudbibuu kuleeyahay

quruxdiyo kalgacalkiyo
lama qooma sharaftoo
qalbi aan kunicin weli
qalad laguma sheegee

qoraxdiyo iyo ayaankaa
qayiraaya noloshoo
qajasha eexa keenee

qaybtii shalaytaa
ka qawaday haweenkuye
xeerka qoysku leeyahay
ayaa qoobka naga xiray

oo qaraabadiyo
yiri meel ha qabanina
waa qodob su aallee

qalinkii saxiixiyo
bal halkuu ku qoranyahay
qotadiisa ii sheeg

sidaan kuu qadarin jiray
qandho kaaga bixin jiray
kuu dhaafshay qayrkaa
kuma qiima gelininee

qoon dhaladka caashaqa
ila qaybsan weeydee
waxbaa kuu qarsoonaa

intaad ii qoslaysee
qalbigaagu meelkale
haddii ku qoranyahay
isku qaylin maynee

anna quusaydaa
adiguna qorshaysee
kii kuu qallaba raac

waasa qodob su aalee
jacaylkaagu qaahira
ma qudbibuu kuleeyahay

qaabanqaabadeennii
nafa qaysigeeeennii
qalbigii fayoobaa
anba waan ku qaabilay

kaa raaca qayrkay
kula qaad caashaqa
ha i quusin hadalkee

maxaa ii qarsoonaa
miyaa la ila kaa qabay
sidee iigu quudhaa
waxaan meesha qabanayn

waxaad qoonsaneysee
qabaxduna ka joogtaa
ma qaraaraad gaadhaa

qalinkii saxiixiyo
bal halkuu ku qoran yahy
qotadiisa iisheeg..

Exit mobile version