jacayl inuu qumaati
dadka uu qalibo oo
horaa looga qaylyoo
qaarbaa daraadii
qabuuraha u galayoo

angiuna qudhayda
quusbaan ka taagnee
inanyahay quraystee
qalbigay ku saaqdoo
qayrkaa haweenkana
quruxbaad ku daaftoo
qancisoo naftaydii
kuu qashuucdaye garo

naftaydii qiyaastii
qaxariyo dhibaatiyo
qardoofay la jiiftaa
jacaylbaa i qariyo
qaaradaha kaleetiyo
quruumuu i barayoo
qasab igu hogaanshee

ana waxaan qiraayaa
dumar qiimahoodiyo
inaad tahay qalanjadoodoo
jacaylkan i qaadyoo
qoraxdoo ifaysaa

qofkii aan arkaaba
adi kugu qaldaayoo

Exit mobile version