Heesta Sharaf dawladnimo - Lyrics
shacaybkagan bilan shuushkiyo shakigaba ka saar
shidadii horiyo shar wixii ahaa shifo daawadeed
daraad sheelideed shalay yeelkadeed maanta shawrideed
shaal quruxsaniyo sharaf dawladnimo
shacabkayga badan wax u sheegidood waa shay xaqaa
shar wixii ahaa shaydaan u daa anaguna shintiri
qaraw waan u shiday shaahdali u qbay shifadaada nabad
shaal quruxsaniyo sharaf dawladnimo
shacaybkaygan bilan shilibkoodu waa nabad loo shuqlee
dayasheediyo dadka shawrayee xidigaha shishiyo
dayaxaba ku shiray cilmibay shushubeen garashay shideen
shaal quruxsaniyo sharaf dawladnimo