VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Cannaweey - Lyrics

Canabeey aduunyadu Waa laba is caashaqay Waligoodba nololeed Nasiib wacan ku qaatoo Is caleemo saaroo Cadawga iska tiirshoo Isu calool fayooboo Kala qaata amarkee Waa caynadaasoo Ku cadeeyay aniguye Adna caashaqeeni Ha ku tuurin ciirsi la Sida curad u daadihi Canabeey aduunyadu Nimuu caashaq helaybaa Turuqiyo laxaadiyo Xoogiisu ciilaye Cabashana aan waayine Ana caynkanaan ahaye Adigaa i cusleeyoo Cudurka igu beeree Waa caynadaasoo Ku cadeeyay aniguye Adna caashaqeeni Ha ku tuurin ciirsi la Sida curad u daadihi
Queue is empty
-- / --