Dookhaygaa adi ku raacoo
Dareen caashaqbaa i?u duulee
Naftaydana waan la doodaa

Sidiibaan dalalka oo idil
Adiga kaa daydayaayoo
Anigu aawadaa dayoobee

Dibindaabyada jacaylkana
U dulqaadan maayee
Dareen iyo waa iyo dabiib iyo waa
Dareen iyo waa xanuun daranee

Sidiibaan dibad wareegoo
Anigu dalanbaabibaan ahoo
Deeqooy aawadaa dayoobee

Naftaydu aday ku doontoo
Docnaba adi kaama aadee
Xabiibi ana waan ogsoonee

Jacaylku waa midaan dumin
Dulqaadiyo yeesha sharafoo
Inagu aynu wada daryeelnee

Dibindaabyada jacaylkana
U dulqaadan maayee
Dareen iyo waa iyo dabiib iyo waa
Dareen iyo waa xanuun daranee

Exit mobile version